Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska ayaa xaqiijiyay in la xiray Taliyaha Saldhiga Degmada Xamar weyne Siciid Cumar kadib markii shalay qarax uu ka dhacay Degmada Xamar weyne, qaraxaasi oo ahaa gaari la dhigay Irida Xarunta Ganacsiga Muqdisho Mall.
Su’aallo badan ayaa ka dhashay sababta gaarigii shalay uu ku galay gudaha xarunta, Maadaama halkaasi loo ogol yahay oo kaliya dadka wata Aqoonsiyadda.
Sarkaalka la xiray Siciid Cumar oo ah Gaashaanle dhexe oo ka tirsan Ciidamada Booliska Somaliya ayaa amarka xarigiisa uu soo baxay xalay, sidaasina lagu xiray.
In ka badan 15 ruux oo shacab & Saraakiil dowladeed isugu jira ayaa ku dhintay Qaraxii shalay kuwaasi oo ku sugnaa nawaaxiga Xarunta Muqdisho Mall oo ku dhagan dhismaha wayne Dowladda hoose Muqdisho ay ku shaqeyso.



