Ciidanka Nabad suggida Jubbaland ayaa goor dhow shaaciyay in ay ka hortaggeen Qarax Miino oo la geliyay xaafada Via-Afmadoow Waaxda Buulafatuuro ee Magaalada Kismaayo.
Ciidanka waxa ay sheegeen in Qaraxaan la doonaayay in lala beegsado Ciidanka iyo Shacabka Jubbaland ee ku sugan Kismaayo.
Miinaddaan ayaa waxaa furfuray waaxda qaabilsan Miinooyinka ee Ciidanka Jubbaland, waxaana ay sheegeen in dadka degaanka ay soo sheegeen.



