Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar iyo sarakiil ciidan kale ayaa maanta gaaray degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo Ciidamada xoogga iyo kuwa deegaanka ay dagaal adag kula jiraan maleshiyaadka Al-shabaab.
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye iyo saraakiil ciidan ayaa Taliyaha ku soo dhaweeyey Moqokori.
Taliyaha Ciidanka Dhulka Generaal Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa Hiiraan u tegay dardargelinta dagaalka Maleeshiyaadka Al-shabaab ee ka socda soohdinta gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Taliyaha ayaa waxaa uu kulamo uu la qaadan doonaa saraakiisha ciidamada xoogga iyo kuwa dadka deegaanka Macawiisleyda ee Gobolka Hiiraan.



