Taliyaha Ciidanka Asluubta oo faah faahiyay dhacdadii ka dhacday Xabsiga Dhexe

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Janeraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa faah faahin ka bixiyay sida uu ku bilaawday dagaal Xabsiga Dhexe ku dhexmaray Qaar kamid ah Maxaabiista ku xiran Xabsiga iyo Ciidamo ka tirsan ilaalada.

Taliyaha oo Shir jaraa’id Warbaahinta u qabtay ayaa sheegay in dagaalka uu yimid, kadib markii qaar kamid ah Maxaabiista oo ku guda jiray Cunto karin ay si xoog ah qorigiisa uga qaateen mid kamid ah ilaalada Xabsiga, kadibna ay toigteen.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in Maxaabiista  ay sidoo kale toogteen askari kale qorigane ka qaateen, taas oo keentay in uu ballaarto dagaalka, hayeeshee ugu dambeyn ay Ciidamada Dowladda dagaalka soo afjareen.

Xaalada Xabsiga Dhexe ayaa Caawa degan, waxaana dadka badi ku xiran ay yihiin Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab, kuwaas oo xukuno kala duwan lagu riday.