Guddiga joogtada Golaha Shacabka oo Caawa kulan ku yeeshay

Guddiga joogtada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Caawa Kulankooda Labaad ee Kalfadhiga 7-aad ku yeeshay Xarunta Guddiyada iyo Guddoonka Golaha Shacabka.

Waxayna kulankooda uga hadleen Shuruucda u taala ee Golaha Shacabka iyo sidii loo kala horumarin lahaa ama mudnaanta loo kala siin lahaa Maalmaha la kala gelinayo shuruucda Golaha hor yaala.

Sidoo kale, kulanka ayaa looga hadlay sidii shaqada Baarlamanka loo kordhin lahaa Isla markaana inta waqtiga Baarlamanka ka harsan loo dardar gelin lahaa Dastuurka Kumeel Gaarka ee Dalka.

Kulan Guddiga Joogtada Golaha Shacabka ayaa Waxa Shir Guddominaayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman Iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Mudane Cabduweli Sheekh Ibraahim Muuday.