Taliyaha ciidamada Itoobiya iyo sirdoonka maxay kala hadleen DFS?.

Taliyaha Ciidamada Itoobiya Birhanu Jula iyo Agaasimaha Sirdoonka dalkaasi, Ridwaan Xuseen ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay dhiggooda Soomaaliya, Odawaa Yuusuf Raage iyo Cabdullaahi Sanbaloolshe, iyagoo ka wada hadlay howlgalka AUSSOM, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Itoobiya.

Warbixinta Wakaaladda ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay qirtay doorka muhiimka ah ee Itoobiya ka qaadatay howlgaladii hore ee AMISOM iyo ATMIS ee muddo ku howlgalayay magacyadaasi.

Labada dhinac waxa ay isla meel-dhigeen iskaashiga amniga labada dal iyo guud ahaan gobolka.

Kulankan ayaa ku soo aadaya xili Itoobiya ay horay u sheegtay in ay daneynayso ka mid noqoshada howlgalkaan cusub, iyadoo Soomaaliya weli aysan si rasmi ah ugu dhawaaqin in Itoobiya ay ka mid noqon doonto howlgalka cusub iyo in kale.

Soomaaliya ayaa waxaa ku sugan ciidamo badan oo Itoobiyaan ah kuwaa oo gudaha dalka ku jooga howlgalka Nabad ilaalinta ee AMISOM, waxa ayna ciidankan ka howlgalaan qaar kamid ah gobolada dalka

 

Tirada ciidamada Itoobiya ee ka howlgala gudaha Soomaaliya ayaa tiradooda u dhaxeyso 9,000 ilaa 15,000 oo Askari .

Ciidamadan Itoobiyaanka ayaa ka howlgala qaar kamid ah gobolada Soomaaliya gaar ahaan gobolada Baay, Bakool, Gedo, Hiiraan iyo gobolka Galgaduud, waxa ayna ciidamadan ka qeyb qaataan howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab.