Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliya Xuseen Xasan Cismaan ayaa maanta kormeeray dhul ku yaala degmada Karaan oo ay leeyihiin ciidanka Asluubta.
Kormeerka ayaa taliyaha waxaa ku wehlinaayay Saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.
Taliyaha ayaa soo kormeeray qeybaha dhulkaasi uu ka kooban yahay, waxaana uu sheegay in dhawaan dhismo lagu bilaabi doono.
Taliyaha ayaa dhanka kale digniin adag u diray dadka doonaya in ay dhistaan dhulalka Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed.




