DHAGEYSO: Taliye Cali Gaab oo dardaaran u diray Ciidamada ilaalada Wadooyinka

Taliyaha Ciidamada Ilaalada Wadooyinka gobolka Banaadir ayaa sheegay in Ciidamada Taraafikada ee dadka dhibaatada u geysta in lala xisaabta midoono, islamarkaana laga doonaayo qoryaha ay sitaan in aysan dadka ku dhibin.

Cali Gaab taliyaha Ciidanka Taraafikadda gobolka Banaadir ayaa sidoo kale kula dardaarmay Baabuureyda Soomaliyeed in ay sharciga qaataan.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in dadka Aqoonsiga darawalnimada qaadanaya in laga qaadi doono imtixaan hadii ay ku baasaana la siin doono.

Ugu dambeyntii Taliye Cali Gaab ayaa xusay in ay muhiim tahay in lala shaqeeyo ciidamada ilaalada wadooyinka gobolka Banaadir.