Burburin iyo barakac ayaa xalay saqdii dhexe ka bilowday xaafadda Buulo Eelay ee degmada Waaberi, iyadoo howlaha burburinta ay saaka ka sii socdeen xaafadda.
Ciidamo tiro badan ayaa lagu daadiyay xaafadda Buulo Eelay, gaar ahaan Waaxda Hantiwadaag, waxaana ciidamada la socday kooxo ku hubeysan burisyo, kuwaas oo la sheegay inay burburin ku sameeyeen qaar ka mid ah guryaha ay shacabka degan yihiin.
Burburinta ayaa sababtay in dad badan ay bilaabaan inay ka barakacaan guryahooda, iyadoo dadka qaar ay sheegeen in aysan haysan meel ay u qaxaan, taasoo sii kordhisay walaaca iyo xaaladda adag ee ka jirta deegaanka.
Xaaladda xaafadda ayaa saaka ahayd mid kacsan, waxaana ciidamada tirada badan iyo howlaha burburinta ay sababeen in dhaq-dhaqaaqii caadiga ahaa ee shacabka uu istaago.
Dhanka kale, magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay wajahaysay qax iyo barakac sii kordhaya, iyadoo degmooyin dhowr ah laga soo sheegay burburin guryo iyo in shacabka laga rarayo deegaannadooda.
Wararka ayaa sheegaya in degmooyin kale oo Muqdisho ka tirsan ay ka socdaan howlo burburin ah, kuwaas oo sababay in qoysas badan ay ka guuraan guryahooda.
Xaaladda ayaa si gaar ah walaac ugu abuurtay dadka danyarta ah ee ku nool xaafadaha ay howlahaasi ka socdaan, maadaama qaar badan oo kamid ah aysan haysan hoy kale oo ay u guuraan.



