Taliyaha Booliska Somaliland oo ku dhawaaqay in la joojiyay Banaanbixii Hargeysa

Taliyaha Booliska Somaliland Maxamed Aadan Saqadhi ( Dabo-gale), ayaa sheegay in aanay aqbalayn bannaanbaxyo ay sameeyaan taageerayaasha xisbiga Waddani oo berri ka dhaca Magaalada Hargeysa.

Waxaa uu ugu baaqay Hoggaanka Xisbiga Wadani ay ka laabtaan Banaabaxa, islamarkaana berri ay qaadi doonaan Mas’uuliyadda wixii ka dhasha Banaanbaxyadda.

Taliyaha ayaa ku dhawaaqay in banaanbaxaasi ay joojiyeen Ciidanka Booliska, islamarkaana taageerasha Xisbiga ay u sheegayaan in aysan soo bixin.

Afhayeenka xisbiga Waddani Barkhad Jaamac Batuun, ayaa  dhankiisa sheegay in ciidamo Booliska ah lagu daadiyay xarunta dhexe ee xisbiga Waddani halkaas oo maalinta berri ah ay isugu imanayeen taageerayaasha xisbigu.

Barkhad, ayaa xukuumadda ugu baaqay in caddaadiska ay ka dayso taageerayaasha xisbiga.