Talisyada Ciidanka Xoogga dalka iyo ATMIS oo Abaabul dagaal oo ka dhan Alshabaab kawada gobolka Sh/ Dhexe

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow iyo wafdi uu Hogaaminayo ayaa gaaray Degaanka Wargaadhi ee Gobalka Sh/dhaxe.

Wafdiga Taliyaha waxaa qeyb ka ah Taliyaha Ciidamada ATMIS General Sam Okiding, Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Sheekh oo ka mid ah Golaha shacabna Baarlamaanka Soomaaliya iyo saraakiil ciidan oo ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliyeed .

Ujeedka ayaa ah in la xoojiyo Howgalada ka dhanka ah Alshabaab ah iyo in sare loo qaado wada shaqeynta CiidamadaXoogga dalka dalka,  kuwa ATMIS iyo ciidamada deegaanka.