Taliska Ciidanka xoogga oo sheegay inay dileen Xubno ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada Xoogga Dalka, gaar ahaan Ururka 80-aad gurmadka Qeybta 27aad, Ururka 52-aad  Gurmadka Qeybta 27-aad, Ururka 41-aad Guutada 5-aad Qeybta  27-aad oo si wada jir ah isku kaashanaya ayaa howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyay deegaanno hoostaga Degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan.

Ciidanka xoogga Dalka ayaa dagaal  xoogan kula galay degaano ku yaal duleedka degmada buulo-Burde, sida degaanka Ceelbacaad iyo degaano kale, waxaana saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ay sheegeen inay guulo ka gaareen dagaalka.

Taliyaha Qeybta 27-aad Ciidamada Xooga Dalka Jeneral Axmed Maxamed Calasow Treedisho oo howlgalka hogaaminayay ayaa Warbaahinta u sheegay  in howlgalka lagu dilay 31 kamdia ah Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in howlgalka ay Al-Shabaab uga soo furteen  14-qori oo AK-47 ah 1-qori BKM ah iyo 1-qoriga RPG ah, sidoo kalena ay weli Ciidamada howlgalka ka wadaan degaannada hoostaga degmada Buulo-burde.