Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo ku hanjaby in Alshabaab dalka laga saarayo

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas Ibraahin Sheekh Muxudiin ayaa shaaca ka qaaday in dib u bilaabayaan howlgalada dalka looga saarayo Al-shabaab.

Wuxuu sheegay Taliyaha in ciidanka dowladda Fedaraalka Soomaaliya, kuwa maamul goboleedyada dalka iyo dadka deegaanka iney dib u bilaabayaan howlgalada ka dhanka ah Alshabaab  oo hakad ku jiray bishii barakeysneyd ee Ramadaan.

Taliyaha ayaa sidoo kale ugu baaqay dadka Soomaaliyeed ineysan siinin Alshabaab lacagaha baada ah oo ay ku sheegaan Sakawaad si awooda Alshababa u yaraato oo aysan u helin dhaqaalo ay hub ku iibsadaan.

Warka ka soo baxay  Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa kusoo beegmaya , xilli  mudooyinkii u dambe gaabis uu ku yimid  howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee sanadkii lasoo dhaafay sida dardarta leh uga socday inta badan gobolada dalka.