Taliyaha ciidanka Dhulka Janaraal Maxamed Tahliil Biixi iyo Wasiiradda Amniga iyo Dhalinyarada Galmudug ayaa gaaray Saldhigii ugu weynaa Alshabaab ku lahaayeen baadiyaha Qeycad oo la sheegay in Maanta lala wareegay.
Taliyaha Biixi isagoo uu garab taagan yahay wasiirka amniga Galmudug shir jaraa’id ku qabtay duleedka deegaanka Qeycad ee gobolka Mudug ayaa ku dhawaaqay in la soo afjaray dagaalkii aaggaas ka socday isla markaana uusan jirin aag dagaal oo ka sokeeya Xara-dheere.
Ciidanka Xoogga Dalka iyo Kuwa Daraawiishta Galmudug ayaa wado dadaalo ay Al-Shabaab uga saarayaan deegaanada Galmudug , waxaana u suura galay in ay ka saaraan deegaano badan oo ka tirsan Gobolka Mudug.



