Tacadiyadii ka dhacay Baydhabo oo guddi xaqiiqo raadin ah loo saaray

Madaxweynaha cusub ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdficasiis Lafta-gareen ayaa waxa uu magacaabay guddi xaqiiqa raadin ah oo baaritaan ku sameynaya shaqaaqooyinkii ka dhacay Baydhabo.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay Todobbo xubnood oo midi ay Haween tahay oo baara tacadiyadii ka dhacay Baydhabo ee ka dhashay soo xiritaankii Mukhtaar Rooboow.

Halkaan hoose ka akhriso wareegtada lagu magacaabay guddigaasi: