Tababare Brendan Rodgers oo beeniyay in Ciyaaryahan James Maddison ka tagayo Kooxda

Tababaraha Leicester City Brendan Rodgers ayaa u muuqda inuu si cad u sheegay in James Maddison oo lala xiriirinayo kooxda Arsenal uusan ka tagi doonin kooxda xagaagan.

Gunners ayaa suuqa ugu jirta badalka Martin Odegaard waxana ay doonaysaa saxiixa xiddiga Maddison si uu Mikel Arteta ugu xoojiyo kooxdiisa xilli ciyaareedka cusub.

Leicester City ayaa la rumaysanyahay in ay lacag 70 milyan ah dul dhigtay madaxa xiddiga 24 jirka ah laakiin Rodgers ayaa sheegay in uuna xiddigu meelna uga socon kooxda xagaagan.