Khasaaro ka dhashay israsaaseyn ka dhacday duleedka Dhuusamareeb

Israsaaseynta ayaa waxaa ay Deegaanka Garas-dhuub oo dhanka Waqooyi Bari 7Km ka xiga Magaalada Dhusamareeb ee Caasimadda Galmudug ku dhex-martay laba maleeshiyo oo dhul isku heystay.

Dadka degaanka ayaa ku warramay in marqura ay ka warheleen israsaaseynta dhinac oo isku heysta dhul ku yaal Deegaanka Garas-dhuub, isla markaana uu ku dhaawacmay hal Ruux oo kamid ahaa dhicyada dagaalamay.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamo ka tirsan booliska Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb ay ku baxeen dhinacyadii dagaalamay, iyaga oo kala ceeyriyay.

Qaar kamid ah dadka ku nool Deegaanka Garas-dhuub oo dhanka Waqooyi Bari 7Km ka xiga Magaalada Dhusamareeb ayaa waxaa ay sheegeen inay soo wajahday cabsi ballaaran oo ku aadan in  dagaalka labada maleeshiyo uu xoogeysto balse la kala dhex-galay.

Degaannada Galmudug ayaa  waxaa aad ugu badan dagaalada u dhaxeeya maleeshiyaadka beelaha, kuwaas oo isku heysta dhulal ku yaal halkaas, kuwaas oo qaarkood dilal qorsheysan isku geysta.