Mid ka mid ah xidigaha ugu muhiimsan Juventus oo seegaya kulanka Tottenham

Tababare Max Allegri ayaa xaqiijiyay in Blaise Matuidi uu seegi doono kulanka lugta hore wareega 16-ka Champions League oo ay la ciyaari doonaan Tottenham Hotspur.

Xidigaan reer France ayaa badal lagu sameeyay daqiiqadii 27-aad qeybta hore ciyaarta kulankii ay Juventus 7-0 ku xasuqday Sassoulo kadib markii uu dhaawacmay, waxaana soo galay ciyaarta Claudio Marchisio.

30-jirkaan heerka caalami ayaan kasoo muuqan doonin kulanka 13-ka February labada kooxod ku dhexmari doona Juventus Stadium, sidoo kale kulanka ay jimcaha la ciyaari doonaan Fiorentina.

“Matuidi ma heli doono kulanka Tottenha, waxaan u maleynayaa inuu qabo dhaawac muruqa ah” ayuu yiri Allegri.

Dhanka kale Juventus waxey kulankaas fileysaa iney ciyaaraan Andrea Barzagli, Sami Khedira iyo Daniele Rugani