Tababare Maurizio Sarri ayaa aaminsan in ay lagaaray waqtigii Chelsea ay go’aan kagaari lahayd mustaqbalka Eden Hazard.
Kabtanka Belgium ayaa maalmihii u danbeeyay si waali ah loola xiriirnayay kooxda ku cuyaarta Santiago Bernabeu ee Real Madrid.
“Kaliya waxaan diiradda saaraya gudaha garoonka.” Ayuu yiri Hazard oo hadlayay kulankii arabacada ay kooxdiisu 2-1 kaga adkaatay Watford.
Dhanka kale tababre Maurizio oo wax laga waydiiyay haddii uu Hazard sii joogayo Cheklsea ayaa yiri:
“Magaranayo balse waa waqtigii go’aan laga gaari lahaa.
“Anigu ma ahi madaxwaynaha, waxa aan ahay tababaraha kooxda. Masuul kama ahi suuqa, kaliya waxaan xaq u leeyahay in aan kala hadlo gudaha garoonka, balse waxaan u malaynayaa in aan xallin doonno dhibaatada.”ayuu hadalkiisa kusoo idleeyay Sarri.



