Tababare Antonio Conte ayaa dareensan in bar bareyntii rikoorkii Arsenal ee horyaalka Ingiriiska ay ku timid wada shaqeyn kooxda ay sameysay.
Chelsea ayaa soo bar bareysay rikoor ay dhigtay kooxda ay London ku xifaaltamaan kaas oo ay dhigtay 2001-02 markaas oo ay guuleysatay 13 kulan oo xariir ah kadib guushii Stoke City ee aheyd 4-2.
Willian ayaa labo gool dhaliyay, halka Diego Costa iyo Cahill ay shabaqa soo taabteen si ay hogaanka horyaalka usii dheereystaan hogaanka.
“Waa hormar aad ugu wanaagsan ciyaaryahanadeyda, kooxda iyo taageerayaasheena, kadib xili ciyaareed xun sida kii ina soo dhaafay,” Conte ayaa sidaas usheegay Sky Sports.
“Aad ayaan ugu faraxsanahay ciyaaryahanadeyda maxaa yeelay maalin walba oo tababarka iyo kulamada tooska ah waxaan arkaa sida ay udadaalayaan oo ay si wada jir ah ugu dagaalamayaan, ayna isugu dayayaan iney guuleystaan”ayuu yiri Conte.


