Tababarihii hore ee Chelsea iyo Bayern Munich Carlo Ancelotti ayaa ku soo laaban kara horyaalka Ingiriiska ee Premier League.
Wargeyska The Mirror ayaa sheegaya in Ancelotti uu diidey fursad uu kula wareegi lahaa shaqada tababarnimo ee xulka Talyaaniga.
58 jirkaan ayaa iska diiday fursad uu ku maamuli lahaa wadankiisa lix bilood ka dib markii laga ceyriyay kooxda Bayern Munich.
Luis Enrique iyo Max Allegri ayaa ah macalimiinta ugu cadcad ee shaqada Emirates lala xiriirinayo, laakiin Ancelotti ayaa heysata khibrad badan oo Premier League ah.
Tababaraha Talyaaniga ayaa kasoo shaqeeyay kooxda Chelsea, waxaase diyaar uu u yahay inuu markaan la wareego shaqada Gunners.



