Taariikhda Gen. Maxamed Cali Samatar

Maxamed Cali Samatar waxaa uu dhashay sanadkii 1931kii waxaa uu ahaa saraakiishii ugu horaysay ee si casri loogu tababaro ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya.

Maxamed Cali Samatar waxaa uu heer sare ka gaaray Miltariga Soomaaliya isaga oo ahaa qofkii ugu sareeyay ee taariikhda milatariga Soomaaliya ee gaaray darajada Sareeye Guud oo aheyd darjadii ugu sarysay ee ka jirtay Soomaaliya.

Waxa uu ka mid ahaa Golahii Sare ee kacaanka Soomaaliyeed, waxaa uu si aad ah uga dhex muuqday talada dalka sanadihii 70meeyadii ilaa sideetamaadkii, waxaa uu 1980 ilaa 1986 ahaa wasiirka gaashaandhiga, 1dii Febdruary1987 waxaa loo magacaabay in uu noqdo Raiisul wasaarihii ugu horeeyay ee ay yeelato dawladii miltariga ee madaxweyne Maxamed Siyaad Barre, xilkaasi oo uu hayay tan iyo intii ay ka burburtay dawladdii dhexe ee Soomaaliya horaantii 1991kii.

General Maxamed Cali Samatar waxaa uu ka mid ahaa saraakiisha laf dhabrta u ahayd ciidanka Soomaaliya ee ka qayb qaadtay dhismihiisa Milatariga.