Weeraryahanka Liverpool Mario Balotelli ayaa waxaa uu dooneyaa inuu ku biiro kooxda Lazio xagaagan, sida ay sheegayaan wararka.
Weeraryahanaka Talyaaniga ayaa diiday inuu ku laabto kooxda ku ciyaarta garoonka Anfield ka dib markii AC Milan go’aansatay inay iska dirto 25 jirkaan.
Lalaziosiamonoi ayaa qortay in Balotelli ay ceyrsaneyso kooxda Lazio iyadoo weeraryahanka uu doonayo inuu sii joogo Serie A.
Intii uu amaah kula joogay Milan weeraryahanka kaliya hal gool oo horyaalka ah ayu7u dhaliyay 20 kulan oo uu saftay.
Jurgen Klopp ayaa doonaya in uu iska iibiyo Balotelli ,maadam uu heysto Daniel Sturridge, Christian Benteke, Divock Origi iyo Danny Ings,
Balotelli ayaa haatan mushaar ahaan u qaata £ 90,000-isbuucii ,laakiin Lazio ayaa dooneyso in kaliya kala bar lacahtaas ay siiyo.


