Spain oo markii labaad ku guuleystay tartanka Koobka Adduunka 2026

Spain's forward #19 Lamine Yamal (front) receives the gold medal from FIFA President Gianni Infantino and US President Donald Trump (R) during the final ceremony after the 2026 World Cup football tournament final match between Spain and Argentina at the New York/New Jersey Stadium in East Rutherford on July 19, 2026. (Photo by ANGELA WEISS / AFP)

Xulka Spain ayaa markii labaad ku guuleystay tartanka Koobka Adduunka 2026, kaddib markii uu hal iyo eber kaga adkaatay xulka Argentina.

 

Ciyaarta ayaa waqtigii caadiga ahaa ku dhammaatay eber iyo eber, balse waqtigii dheeriga ahaa ee lagu daray gaar ahaan daqiiqadii 106-aad ayay goolka guusha heshay Spain, waxaana u dhaliyay ciyaaryahanka Ferran Torres.

 

Ka hor inta aan Argentina goosha laga dhilin waxaa kaarka cas loo taagay ciyaaryahankooda Enzo Fernández, taas oo keentay in ay toban ciyaaryahan noqdaan.Ciyaarta kama dambaysta waxay ka dhacday garoonka MetLife, New Jersey ee dalka Mareykanka, halkaas oo Lamine Yamal oo 19 sano jir ah iyo xukiisa Spain ay ku guuleysteen Koobka Adduunka 2026.

 

Xiddigii ugu wanaagsanaa inta tartanku socday waxaa ku guuleystay ciyaaryahanka khadka dhexe Spain ee Rodri, kaas oo bandhig wanaagsan muujiyay.