Soomaaliya oo muddo Sanado ah ka dib ku biirtay Golaha Amaanka Qaramada Midoobay

Soomaaliya ayaa si rasmi ah dib ugu biiray xubinnimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, 54 sannadood kaddib.

Soomaaliya ayaa ka mid noqotay 15-ka xubnood ee uu ka kooban yahay Golaha Ammaanka, gaar ahaan 10-ka xubnood ee aanan joogtada aheyn. Waxay kursigan ku matali doontaa Bariga Africa muddo laba sannadood ah oo ka billaabatay 1-di bishan January ee sannadkana 2025-ka oo shalay ku beegneyd ilaa sannadka 2026-ka.

Kursigan ayaa Soomaaliya  waxa loo doortay bishi June ee sannadki aanu kasoo gudubnay ee 2024-ki. Waxana ay isku mar shalay Golaha Ammaanka iskula soo biireen dalalka Pakistan, Panama, Denmak iyo Giriigga.