FBI-da oo fal argagixiso ah ku tilmaamtay weerarki New Orleans

15 qof ayaa ku dhintay 30 kalena waa lagu dhaawacay weerar loo adeegsaday Gaari oo la jiirsiiyay dad u dabaaldegay sanadka cusub ee 2025, oo isugu soo baxay magaalada New Orleans ee dalka Mareykanka.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in la gartay ninkii falkan geystay, kaasoo magaciisa lagu sheegay Shamsudiin Jabbaar. Waa oo 42 jir, ku dhashay Gobolka Texas ee dalka Maraykanka, wuxuuna ku hubeysanaa Qori, isagoo waday baabuur ah nooca la kireysto.
Wuxuu gaariga la dhex galay dad isu soo baxay oo ku sugnaa wadadda Bourbon ee magaalada New Orleans, halkaasi oo uu ku dilay ugu yaraan 15 qof, kuna dhaawacay 30 kale. Waxaa toogasho ku dilay ciidamada booliiska, kadib markii uu kasoo baxay gaariga oo uu rasaas bilaabay, isagoo dhaawacay laba askari.
Ninkan Shamsudiin Jabbaar ayey FBI-du sheegtay inuu hore uga tirsanaa milateriga Mareykanka waxaa gaarigii uu weerarka ku geystay laga dhex helay calanka kooxda Daacish.