Soomaaliland oo shuruud ku xirtay wadahadallada Dowladda Federaalka

Boobe Yuusuf Ducaale oo ka mid ah Salaadiinta Soomaaliland ayaa ka hadlay hadalkii dhawaan uu sheegay Madaxweyne Farmaajo ee ahaa in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay diyaar u tahay inay xaliso tabashada Soomaaliland.

Waxa uu sheegay in weli ay garan la’yihiin tabashada ay qabaan,hayeeshee waxkasta oo horay u dhacay laga gudbay,waxaana uu shuruud ku xiray wadahadalada  Soomaaliya  iyo Soomaaliland.

Boobe Yuusuf Ducaale ayaa sheegay in Soomaaliland ay tahay mid ka go’day Soomaaliya inteeda kale,isla markaana wadahadalada Soomaaliya iyo Soomaaliland kaliya ay ku qabsoomi karaan in dowladda Federaalka ay dal xor ah u aqoonsato Soomaaliland.

Waxa uu soo dhaweeyey inay bilaawdaan wadahadalada Soomaaliya iyo Soomaaliland, laakin marnaba aqbaleyn in la isku-dayo in wax walba lacag lagu xaliyo.

Madaxweyne farmaajo ayaa Maalin ka hor sheegay in Dowladda diyaar u tahay inay si waafi ah uga garawdo tabashooyinka Somaliland isla markaana doonayso inay ka miradhaliso Wadahadallada labada dhinac si loo ilaaliyo midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.