Soomaaliland oo fagaaro ku gubtay Jaad farabadan

Gudiga ka hortaga Cudurka  Covid-19 u qaabilsan Soomaaliland iyo Ciidamada Booliska Gobolka Maroodi-Jeex ayaa fagaare ku yaalla Magaalada Hargeysa waxaa ay ku gubeen jaad farabadan.

Shalay Gelinkii hore ayaa jaadka oo ka kooban 200 oo Kiilo oo jaadka dheer dheer ah iyo 100 Marduuf,waxaa ay kasoo qabteen Magaalada Baligubadle,kaas oo laga keenay dhinaca Itoobiya.

Goobta jaadka lagu gubayay ayaa waxaa ku sugnaa Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska Gobolka Maroodi-Jeex iyo Xubno kamid ah Guddiga ka hortagga Cudurka COVID-19 iyo dadweyne daawanayay.

Saraakiisha Ciidamada Booliska ayaa waxaa ay sheegeen in marnaba aysan ogolaan doonin in jaad la soo geliyo deegannada Soomaaliland,iyaga oo digniin u diray Ganacsatada sida qarsoodiga ah jaadka ku keena.

Tallaabada Maanta Soomaaliland ay ku gubtay jaadka ayaa waxaa ay daba socotay Go’aan kasoo baxay Guddiga ka hortagga Cudurka Coronavirus kaas oo lagu mamnuucay in muddo 25  Maalmood jaad la soo geliyo deegaannada Soomaaliland.