Waxaa wali ka socda dalka koofur Afrika boob xoogan oo lagu haya Soomaalida goobaha ganacsiga ku leh magaalooyinka ku yaal dalka koofur afrika .
Boobka ayaa galay maalintii labaad sida uu idaacadda Risaala u sheegay Sahal Maxamed Warsame oo ka mid ah ganacsada Soomaaliyeed ee dukaamadda ku leh dalka koofur afrika .
Meelaha ugu badan oo uu boobku ka socdo ayaa waxaa kamid ah deegaanka Dunoon oo hoos taga Cape Town dalka koofur afrika.
Qaar ka mid ah dadka kunool deegaanka dunoon ayaa wali wadda banaan baxyo xoogan oo ay ugu soo horjeedeen Soomaalida ganacsiga ku leh dalkaas .
Wararka ayaa intaasi ku darayo in dukaamada la boobay ay tiro ahaan gaarayaan illa iyo 26 dukaan oo ay intabadan leeyihiin Soomaalida ku ganacsatada gudaha Dalka Koofur Afrika.
maamulka halka uu boobku ka socdo ayaa la sheegay in meesha gaarsiiyey ciidamo gaar ah oo lagu talagay in sugaan ammaanka Soomaalida ganacsiga kuleh dalkaas.


