Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe ayaa warbixinta ka dhegaysanaya Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka hadli doona isbedaladii ugu dambeeyey iyo horumarka ay gaartay, sidoo kale waxaa Golaha Amaanku ka dhegaysan doonaa Madaxweynaha qaabka ugu wanaagsan ee beesha caalamku ka taageeri karto Soomaaliya, marka la eego isbedalada socda.
Golaha ammaanka ayaa sidoo kale waxay la filaya in ay warbixin ka dhageystaan ergayga gaarkaa qarama midoobe u qaabilsan Soomaaliya iyo Saraakiil ka tirsan ciidanka AMISOM.
Golaha Amaanka ayaa dib u eegis ku samaynaya Hawlgalka AMISOM bisha May 2016, waxaana lagu wadaa in oggolaanshaha hawlgalka dib loo cusbooneysiiyo,
Kulanka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey Soomaaliya ka leeyihiin maanta ayaa ku soo beegmaya iyada oo Midowga Yurub hoos u dhigeen dhaqaalihii ay ku bixin jireen AMISOM.


