UK-RisaalaFM- Dhalinyaro Soomaaliyeed oo looga shakisan yahay in ay darooga ka ganacsan jireen ayaa lagu qabtay degmada Worcester ee dalka Britain.
Booliiska Dowladda Britain ayaa shaaca ka qaaday in ay gacanta ku soo dhigeen tiro dad ah kuwaas oo lagu eedeeyay ka ganacsiga daroogada noocyadeeda kala duwan.
Ciidanka Booliska ayaa degmada Worcester ee dalka Britain waxa ay ka soo qabteen Muwaadin u dhashay Dalka Britain iyo 2 Dhalinyaro Soomaali ah.
Magacyada dadkaan la soo qabtay ayaa lagu sheegay Kamal Hassan 19, Abdi-mahad Adow 20, iyo Adem Benmessahel 18.
Eedaysayaasha ayaa loo gudbin doonaa Maxkamad, waxaana suurgal in ay muteystaan xabsi waqti dheer iyo Lacago badan oo ganaax ah.
Ciidamada Ammaanka gaar ahaan kuwa Booliska ee jooga West Mercia ayaa shaaca ka qaaday in Dhalinyaradan lagu soo oogay ka ganacsiga daroogada khatarta iyo u kala gudbinteeda Magaalooyinka weyn ee dalka Britain.


