Afgooye-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in saakay xaaladu ay tahay mid degan, kadib markii shalay gelinkii dambe halkaasi uu ka dhacay Dagaal khasaare geystay.
Dagaalkan oo mudo saacado ah socday ayaa waxa uu u dhaxeeyay Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dagaalamayaasha Shabaab.
Dagaalkan ayaa yimid kadib markii Dagaalyhano Shabaab ah ay weerar ku qaadeen fariisin Ciidanka Dowladda ay ku leeyihiin Duleedka Degmadaasi.
Saraakiisha Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka ayaa sheegay Dagaalkan in ay ku dileen 2 Dagaalame oo ka tirsan Shabaab, iyagoo dhankooda sheegay in looga dhaawacay Saddex Askari.
Ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa saakay Howlgallo baaritaano ah waxa ay ka wadaan Duleedka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose, sida uu soo sheegayo Wariyaha Risaala ee Magaalada Afgooye.


