DAAWO: Howlgal ka dhan ah Shabaab oo dhowaan bilaabanaya

Taliska ciidanka xoogga dalka qaybtooda 21-aad ee ku sugan Galmudug iyo ciidamada AMISOM ayaa si wada jir ah ugu diyaar garoobaya hawlgal ka dhan ah Shabaab, kaas oo looga saarayo degaanada ay wali kaga harsan yihiin Mudug iyo Galgaduud.

Ciidamada ayaa maanta kormeer ku sameeyay degaano dhowr ah oo hoos yimaada Magaalada Cadaado, kaas oo looga gol leeyahay in lagu xoojiyo wada shaqaynta Ciidamada.

Ammaanduulaha qaybta 21-aad G/sare C/laahi Aadan Xuseen (Col Cirro) ayaa sheegay in ay qaadi doonaan dhawaan hawlgal degaanada Galmudug looga  saarayo Shabaab.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Burundi ee ku sugan Cadaado ee qaybta ka ah hawlgalka AMISOM Major Emmanuel Ndayishimiye ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay in maanta ay hawlo shaqo ku yimaadaan degaano ka baxsan Cadaado, ayna la hawlgali doonaan ciidanka xoogga qaybtooda Galmudug ku sugan.

1q 2q 3q 4q 5q 6q