Soomaali lagu Maxkamadeynayo Mareykanka

USA-RisaalaFM- Dhainyaro Soomaali-Mareykan ah ayaa caawa Maxkamadeyntooda waxa ay ka socotaa Magaalada Minnioples ee Dalka Mareykanka, kadib markii lagu eedeeyay falal argagixisanimo.

Dhalinyaradan la Maxkamadeynayo ayaa tiradooda waxa ay gaareysaa 9 Qof, waxaana hada la xukumay mid ka mid ah Dhalinyaradaasi, iyadoo sidoo kalena hada ay socota Maxkamadeynta 2 kale.

Wiilka Dhalinyarada ah ee hada la xukumay ayaa waxaa lagu xukumay Hal sano, oo Lix bil ka mid ah uu ku qaadanayo xabsiga iyo Lix bil oo uu ku qaadanayo xabsi Guri.

Maxkamada ayaa waxaa ku sugan Soomaali aad u fara badan, kuwaas oo ka war sugaya natiijada ugu dambeysa ee ka soo baxda Maxkamadeynta Dhalinyaradan.