Magaladda Capetown gaar ahaan Xaafadda lagu Magacaabo Stand ayaa waxaa la sheegay in lagu dhawacay Gabar Somaali ah oo kamid ah Haweenka Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas
Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa la sheegay inay dhaawaceen haweeneyda oo Magaceeda lagu sheegay Sahro Cabdullaahi oo ku Magac dheer Sahro (Gaabey) ,iyaga oo weerarka kadib goobta ka baxsaday.
Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyees ee Magalada Capetown Cabdi Calas Guure ayaa Warbaahinta u sheegay in xilliga la dhaawacayay ay la socdeen Carruurteed,isla markaana haatan lagu daweynayo Isbitaalka Guud ee Xaafadda Strand.
Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa uu kamid yahay dalalka sida weyn Soomaalida loogu dhibaateeyo,iyada oo 24-kii saac ee la soo dhaafaya la boobay Goobo Ganacsi ay Soomaalieeyihiin.



