Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland Baashe Maxamed Faarax oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ka dib markii uu kulan la yeeshay wefti heer sare ah oo ka socda waddanka Eriteriya oo uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda dalka Ereteriya, Mudane Cismaan Saalax Maxamed oo safar shaqo ku jooga Somaliland ayaa sheegay in Eritrea ay ka Codsadeen in ay ka Caawiso sidii Somaliland loo aqoonsan lahaa.
Gudoomiyaha waxaa uu sheegay in Wafdiga dowladda Eritrea ay u ballanqaadeen in Caalamka ay gaarsii doonaan Horumarka ka jira Somaliland iyo Madaxbanaanideeda.
Waxaa uu xusay in ay qaateen dastuurka Somaliland, islamarkaana ay baari doonaan sidda ugu haboon ee Somaliland ay aqoonsi ku helikarto.
Ugu dambeyntii Gudoomiyaha waxaa uu tilmaamay in Wafdiggaan oo uu ahaa Mid muhiim ah oo Somaliland u sahli doona in ay kasoo muuqato Isdhexgalka Geeska Afrika.



