Xil Wareejin ka dhacday Madaxtooyadda Puntland

Agaaasimaha cusub ee Madaxtooyada Puntland Mudane Maxamed Cabdiladiif Yuusuf ayaa maanta xilka kala wareegay Agaasimihii hore Mudane Cabdinaasir Biixi Soofe.

Munaasibadda xilwareejinta oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada caasimadda Garoowe, waxaa goob joog ahaa dhammaan Agaasime Waaxeedyada Madaxtooyda, Madax-qaybeedyada iyo shaqaalaha Madaxtooyada dawladda Puntland.

Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Puntland Mudane Cabdinaasir Biixi Soofe oo hadal ka jeediyey munaasabadda xil wareejinta ah ayaa ugu horayn u mahadceliyay guud ahaan shaqaalaha Madaxtooyada oo uu sheegay inay wanaagsan ula shaqeeyeen, waxaa kale oo uu ka warbixiyey shaqooyinka baaxaddale ee uu qabtay intii uu xafiiska joogay.

Agaaasimaha cusub ee Madaxtooyada  Puntland Mudane Maxamed Cabdiladiif Yuusuf ayaa u mahadceliyay Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Mudane Cabdinaasir Biixi Soofe oo ku tilmaamay masuul shaqadiisa ka soo baxay, waxaana uu carrabka ku adkeeyay inay xoojin doonaan shaqadii socotay, isla markaana dawladdan ay ka go’an tahay ballanqaadkii Madaxweynaha iyo Tayeyn iyo Tiigsi, si looga dhabeeyo hadafka guud ee la hiigsanayo.