Warsaxaafadeed kasoo baxay Hay’adda Duulista iyo Madaaradda ee Somaliland ayaa lagu sheegay in habeennimadii Axaddii, ay isku dhici gaareen labo diyaaradood oo laga kala leeyahay Itoobiya iyo Imaaraatka.
Hay’adda ayaa sheegtay in diyaarad ay leedahay shirkadda Emirate Airways iyo tan diyaaradda Ethiopian Airlines ay ku sigteen inay isku dhacaan, iyadoo hay’addu ay kontaroolka Muqdisho ku eedeysay inay xog khaldan siiyeen.
“Diyaaradaha ayaa ku sigtay in ay isku dhacaan, ka dib markii Muqdisho Control ay labaddan diyaaradood siiyeen joog wakhti iyo goob isku mid ah oo ay labadda diyarood ku kulmayeen.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Dhibaca kale Dawlada Soomaaliya ayaan illaa hadda wax jawaab ah ka bixin warsaxaafadeedka ka soo baxay Hay’adda Duulista iyo Madaaradda ee Somaliland
24-kii bishii February ayay ahayd markii Somaliland ay sheegtay in labo diyaaradood oo caalami ah ay ‘ku sigteen inay isku dhacaan’ xilli ay dulmarayeen hawada Soomaaliya, kadib markii xog iska soo horjeedda laga siiyay Muqdisho iyo Hargeysa, eedeyntan oo dowladda Soomaaliya ay beenisay.
Labada diyaarad oo kala ah diyaaradaha Qatar iyo Itoobiya oo kasoo kala kicitimay Dooxa iyo Addis Ababa ayay Somaliland sheegtay inay markaas isu jirsadeen masaafo isku dhow iyaga oo ku socdaalaya khad isku dhaw sida ay sheegtay Somaliland.



