Hargeysa-RisaalaFM- Taliska Booliska maamulka Somailand ayaa waxa ay sheegeen in ay gacanta ku dhigeen dad ay ku eedeeyeen inay maleegayeen falal la xiriira amni daro, oo halkaasi ay ka geystaan.
Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliland Gaashaanle Sare Feysal Xiis Cilmi oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay Ciidamada Booliska Howlgallo ay ka sameeyeen magaalada Hargeysa ay suurtagashay in gacanta lagu soo dhigo dad maleegayay amni daro.
Waxa uu sheegay Gaashaanle Sare Feysal, Booliska xogo iyo macluumaad ay heleen in ay suuragashay in gacanta lagu soo dhigo raggan, dhowaana la horgeyn doono sharciga, si loo maxkamadeeyo.
Dhinaca kale Gaashaanle Sare Feysal Xiis Cilmi Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliland ayaa been abuur ku tilmaamay wararka sheegaya in ay baxsadeen maxaabiis ku xirneyd xabsiyada Somaliland.
“Ciidanka Booliska waxay mar walba diyaar u yihiin ilaalinta amniga dalka iyo shacabka reer Somaliland, Ciidamada waxay galeen Holwgal aad u balaaran, iyaga oo kaashanaya Hay’adaha amniga, howlgalkaasi waxaa lagu soo qabtay dad maleegayay amni daro”. Ayuu yiri Feysal Xiis.



