Dhuusamareeb-RisaalaFM- Madaxweynaha maamulka gobolada dhexe ee Ahlusuna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool degaanada Ahlusuna ugu hambalyeeyay Munaasabadda Ciidul Adxaa.
Sheekh Maxamed Shaakir ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay is cafiyaan dhammaantood, wuxuuna ugu baaqay dadka wax heysta in ay caawiyaan walaalahooda dhibaateysan.
“Waxaan u hambalyeynayaa shacabka sharafta leh ee qiimaha badan, waxaan leenahay nabad ku ciida, Ciid wanaagsan Hambalyo Hambalyo, waan u dar daar meynaa qofkii ilaahay wax siiyay udxiyada, oo u gar gaaro walaakiisa dhibaateysan”. Ayuu yiri Sheekh Shaakir.
Guud ahaan degaanada ay ka taliso Ahlusuna ayaa maanta waxaa looga ciidayaa si siman, waxaana shacabka ay isugu yimaadeen Masaajidada iyo barxadaha waa weyn, iyaga oo halkaasi ku tukaday labada rakac ee salaada Ciida.


