Hirshabeelle oo hambalyo u dirtay shacabkeeda

Jowhar-RisaalaFM- Degaanada maamulka Hirshabeelle ayaa maanta si weyn looga dabaaldegayaa Munaasabadda maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa, maadaama shalay xujeyda ay istaageen Banka Carafo.

ku simaha Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ahna Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle Cali C/laahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa hambalyo ku aadan farxada Ciida waxa uu u diray shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa reer Hirshabeelle.

“Waxaan dhamaan shacabka muslimiinta ah, gaar ahaan shacabka reer Hirshabeelle ugu hambalyeynayaa Munaaabadda Ciidul Adxaa, waxaan leeyahay sharaf iyo karaamo ku ciida, maadaama ay tahay maalin farxadeed shacabka waxaan ugu baaqayaa in ay is cafiyaan”. Ayuu yiri Guudlaawe.

Cali C/laahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa shacabka Soomaaliyeed Alle ugu baryay sanadkan sanadkiisa in barwaaqo baraare, caafimaad iyo cimri Eebbe nagu gaarsiiyo, intaasina uu aas aas u yahay amniga.