DF oo Mareykanka ka codsatay taageero Militeri

Muqdisho-RisaalaFM- War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa Dowladda Mareykanka looga codsaday in ay gacan xoog leh ka geysato sidii Shabaab looga xoreyn lahaa gudaha Soomaaliya.

“AMISOM oo ka garab dagaallameysa Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay ku guulesteen in Shabaab sida uu doono aanu ka yeelin dalka, sidaa ay tahayna AMISOM uma suurta gelin in ay Shabaab ka suuliso dalka Soomaaliya oo dhan, Sababaha guusha Militeri ee kama dambeysta ah hortaagani waa ay badan yihiin waxaana ka mid ah in hoos u dhac uu ku yimid hantida ku baxda Howlgallada AMISOM”. Ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

Qoraalka ka soo baxay xafiiska Wasaaradda Arrimaha Dibada ayaa sidoo kale lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka codsatay dowladda Mareykanku in ay gacan intaan ka weyn oo xag sirdoon iyo xag ciidanba howlgal ahba ay ka geysato dagaalka ka dhanka ah Shabaab.

Dowladda Soomaaliya waxay hore ugu caddeysay Mareykanka, in howlgallada militeri ee goos gooska ah ee uu Mareykanku hadda ka wado Soomaaliya ay ahaadaan kuwo aad looga fiirsaday xogta hagaysa iyo fulintoodaba si loo xaqiijiyo in shacabka Soomaaliyeed naftooda iyo hantidoodaba aan waxyeello ka soo gaarin.

“ Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in ay soo dhoweyso xubnaha Shabaab intooda Soomaalida ah ee garowsada in ay joojiyaan dagaalka si looga nabad galo iyaguna ay u nabad galaan taas oo waddada u xaari karta in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska dalka”.Ayaa sidoo kale lagu yiri.