Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhimatay dagaal shalay labo beeleed ku dhexmaray degaanka Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag, waxaana sidoo kale jira dhaawacyo ka dhashay dagaalkaasi.
Degaanka Ceelafweyn ayaa dhowr jeer waxaa ka dhacay dagaallo u dhaxeeyay Maleeshiyo beeleed ku muransan dhul daaqsimeyd.
Somaliland ayaa halkaasi geysay xalay ciidamo badan oo ka tirsan Millatariga Somaliland,waxaana ay ku guuleysteen in ay joojiyaan dagaalka, islamarkaana ay kala dhexgalaan Kooxihii dagaallamayay.
Maleeshiyaadkii dagaallamay ayaa wali lagu guuleysan in hub ka dhigis lagu sameeyo, waxaana halkasi wali ka taagan xiisad dagaal.
Somaliland ayaa sheegtay in waddo dadaallo kala duwan oo lagu joojinaayo in dagaal kale uu ka dhaco degaankaasi.



