Somaliland oo bilaawdey kulamo lagu xalinaayo dagaal beeleedyo dhacay

Degmada Ceelafweyn ee Gobolka Sanaag ayaa waxaa ka bilaawday kulamo kala duwan oo xal looga gaarayo dagaal beeleedkii maalma ka hor ka dhacay deegaanka fadhigaab ee duleedka degmadaas.

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa kulan la qaatay Guddiga nabadaynta dagaal beeleedyada Degmada Ceel-afweyn,isaga oo kala hadlayay sidii loo adkeyn lahaa Nabadda degmada iyo degaannada hoostaga.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa faray Guddiga nabadeynta inay xoojiyaan dib u heshiisiinta,isla markaana dadka dhibaatada wada meel looga soo wada heysto.

Xukuumadda Soomaaliland ayaa dhawaan Ciidamo kala dhex-dhigtay maleeshiyaadkii ku dagaalamay deegaanka Fadhigaab ee degmada Ceelafweyn,waxaana dagaalkii ku dhintay laba Ruux halka Saddex kale ay ku dhaawacmeen.