Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Axmed Maxamed diiriye ( Toorno) ayaa shaaciyay in Dugsiyada Waxbarashada fasax yihiin laga bilaabo April 13, 2021 ilaa laga gaaro Bisha July 3, 2021.
Wasiirka oo Warbaahnta kula hadlay Magaalada Hargeysa waxaa uu sheegay in Xaaladda Coved-19 awgeed gabi ahaanba fasax lagaliyay goobaha waxbarasho ee Somaliland.
Waxaa uu ku amray Maamulayaasha Iskuulada ku yaal degaannada Soomaaliland nay qaataan amarka Wasaaradda waxbarashada oo ay fuliyeen, isla markaana ay xiraan goobaha Waxbarashada si looga feejignaado faafitaanka Cudurka COVID-19.
Degaannada Soomaaliland ayaa waxaa uu kamid yahay meelaha ugu badan ee laga helay kiisas kamid ah Cudurka Coronavirus, waxaana u geeriyooday dad badan halka dad kale ay la jiifaan.



