Qarax lala beegsaday Kaniisad ku taal dalka Netherlands

Waaberigii hore ee saakay ayaa waxa uu Qarax ka dhacay Kaniisad ku taalla magaalladda Krimpen aan den IJssel ee Galbeedka dalka Netherland (Ex-Holalnd).

Wargeyska NL Times oo aan warkan ka soo xiganay waxaa uu qoray inaysan cidna ku dhaawacmin qarax lala beegsaday Kaniisadda lagu magacaabo “The Mieras Church”.

Burbur ayaa waxa uu soo gaaray qeybta hore ee dhismaha Kaniisaddaasi.

Wargeyska kale ee lagu magacaabo AD waxa uu qoray in la rumeysan yahay inuu Qaraxaasi xiriir la leeyahay shil dhacay Axadii hore, kadib, markii Saxafi lagu feeray albaabka Kaniisadaasi.

Dhinaca kale, Boliska dalkaasi waxay bartooda Twitter-kooda soo dhigeen inay dadka Deegaanka ka naxeen qarax weyn iyo Uuro ka dhacday Kaniisadda abaarihii 04:35 ee Aroortii hore ee Maanta ee Xilliga dalkaasi.

Sida laga soo xigtay Afhayeenka Boliska, waxa uu sheegay inay u badan tahay in qaraxaasi laga farsameeyey waxyaabaha baaruuda ee la isticmaalo xillyada dabaaldegyada, waxayna Boliska wadaan Baaritaanada dhacdadaasi.

Weli ma kala cadda inuu qaraxaasi ahaa mid lagu beegsanayey Kaniisadda iyo in kale.

Kaniisadda Mieras Church waxay Wararka ugu muhiimsan dalkaasi ka noqotay maalintii Axadda ee la soo dhaafay, kadib, markii Saxafi ka socday Warbaahinta RTV Rijnmond la garaacay, xilli uu War ka tebinayey sida ay Sharciga COVID 19 ugu xadgudbeen boqolaal qof oo ku xoonsanaa gudaha Kaniisadaasi.

Waxaa Turjumay Ustaad Nuuradiin.