Imaaraadka-RisaalaFM- Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maalmihii dhowaa waxa uu ku xanuunsanayay isbitaal ku yaalla dalka Imaaraadka Carabta, halkaasi oo dhowaan uu aaday.
Warbaahinta Somaliland waxay baahiyeen xaalada caafimaad ee Madaxweyne Siilaanyo in ay tahay mid aad u liidato, inkastoo xubno ka tirsan maamulka Somaliland ay beeniyeen wararkaasi.
Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee maamulka Somaliland C/laahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa sheegay xaalada caafimaad ee Madaxweyne Siilaanyo in ay tahay mid aad u wanaagsan, uuna qabo caafimaad taam ah.
Wuxuu been abuur ku tilmaamay wararka sheegaya in xaalada caafimaad ee Siilaanyo ay aad u liidato, wuxuuna sheegay dadkaasi in ay yihiin kuwo ka soo horjeeda hormarka degaanada Somaliland.
Dhinaca kale C/laahi Maxamed Daahir Cukuse Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee maamulka Somaliland ayaa sheegay in Dowladda Sacuudiga ay kula heshiiyeen sanadkan xoolaha Somaliland in ay u iib geeyaan dalka Sacuudiga.


