Somalida Australia oo cambaareysay weerarkii wiilka Soomaaliga ahaa uu ka geystay Dalkaasi

Jaaliyada Soomaaliyeed ee Australia ayaa ka ka hadlay dhacdadii wiilkii asal ahaantiisa Soomaaliga ahaa uu ka geystay wadada Bourke ee ku taalla bartamaha Magaalada Melbourn ee dalkaasi Australia.

Waxa ay ku tilmaameyn in falkaasi uu ahaa mid bahalnimo ah oo ay aad u cambaareynayaan iyagoo ku nuux nuuxsaday in caqliga laga xaday oo ay Soomaalida miyirka qaba sidaasi u fikirin.

Booliska dalkaasi ayaa toogtay Xasan Khalifa Shire oo 30 sano jir ahaa  ka dib markii uu midi uu watay uu ku dhaawacay ilaa afar ruux oo uu mid dhaawac halis ah yahay deetana dab qabadsiiyay gaari uu kasoo buuxiyay dhalooyin gaas ku jira si uu u qarxo balse boolisku ay ka hortageen intaanu qarxin.

Afayeenka Jaaliyada Soomaalida Austaralia ee ku nool ismaamulka Victoria ee dalkaasi Sharmaarke Faarax ayaa warbaahinta u sheegay in ay falkaasi aad ay kaga xunyihiin hadii ay yihiin Sooomaalida dalkaasi.

“Waxaynu nahay qeyb kamid ah bulsha weynta dalkaani Australia, Soomaalida dalkaan ku nool waa dad nabada jecel oo markoodii horeba nolol wanaagsan dalkaani kasoo raadsaday laakiin hal qof oo soomaali ah dhibta uu geystay ma loo eedeynayo Soomaalida wanaagsan ee dalkaani waxaana tacsi u direynaa ehelada dadkii ku geeriyooday weerarkii waxuushnimada ahaa” ayuu sheegay Sharmaarke Faarax.

Badi Soomaalida qurbo joogta ah ayaa la kulmo faquuq iyo midab takoor markii ay dhacdo in qof kamid ah Soomaalida u qaxday dalalka reer galbeedka uu geysto sidaan oo kale weeraro argagxiso  waxayse u muuqataa in iminka Soomaalida Australia ay ka gaashaamanaayaan faquuqaasi.