Kooxda Manchester United ayaa Alexis Sanchez kasoo qaadatay kooxda Arsenal ka dib markii ay si kala beddelasho ah isu dhaafsadeen isaga iyo Henrik Mkhitaryan.
Balse xaqiiqooyin ayaa tilmaamaya in Jose Mourinho bartlimaameedkiisa koowaad uusan ahayn weeraryahanka uu hadda heysto ee Sanchez, hase ahaatee uu doorbidayay laacibka kooxda Inter Milan ee Ivan Perisic.
Si kastaba ha haatee, Xiddigga reer Chile ayay heshay Red Devils bishii January ee sanadkan, isagoo hadda ku dhibtoonaya inuu bandhig wanaagsan ka sameeyo Old Trafford.
Suuqii xagaaga ayuu Mourinho isku dayay inuu ka maarmo Sanchez, waxaana uu damacsanaa in Perisic uu soo qaato, iyadoo ay xusid mudan inuu bandhig wacan ka sameeyay koobkii adduunka.
Xiddigga Inter ayaa qayb ka ahaa xulkii Croatia ee gaarray kama dambeysta Koobkii Adduunka, inkastoo Final-kii ay u jabeen qaranka Faransiiska oo koobka ku guuleystay.
Waxaa lagu soo warramayaa in Mourinho uu illaa iyo hadda aaminsanayahay in Perisic uu ka wanaagsanyahay Alexis Sanchez, isla markaasna uu in badan caawin lahaa Romelu Lukkau.



