SOMA oo cambaareysay xiritaanka Radio Galgaduud

                              War-saxaafadeed

Muqdisho-RisaalaFM- Midowga Warbaahinta Soomaaliyeed (SOMA) waxay ka xuntahay Xiritaankii Idaacadda Galgaduud ay u  gaysteen Maamulka Ahlusunna, ciidamo ka socdo maamulka Ahlusunna ayaa habeenimadii Isniinta November 14, 2016; abaarihii 10:30PM habeenimo, albaabada isgu laabay Idaacadda Galgaduud horayna u qaatay qalbkii Idaacadda ku shaqaynaysay,idaacadda Galgaduuda yaaka mid ah idaacadaha ku midaysan SOMA.

Agaasime Cabdifataax Xassan oo ah maamulka Radio Galgaduud ayaa yiri ,”ciidamada Maaamulka Gobollada Dhexe ee Ahlusunna ayaa irdaha u laabeen ayna demiyeenIdaacadda Radio Galgaduud ee degmada Guriceel iyagoo islamarkaasna halkaasi ay ku qaateen Idaacadii FM-ka iyo qalab kale gaadiid ay wateen.”

Sidoo kale Agaasimaha waxa uu sheegay inaan la ogeyn sababta ka dambaysay arintan maadaama aysan jirin wax xiriir ah oo ay maamulka Degmada Guriceel la soo sameyeen Agaasime Cabdifataax Xassan oo ah maamulka Radio Galgaduud.Radio Galgaduud ayaa ah Idaacad madaxbanaan oo xarumo ku leh Guriceel iyo Dhuusomareeb

Haddaba, Midawga Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA waxay si xushmad leh uga dalbanaysaa Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusunna inay idaacadii FM-ka iyo qalabka kale la sheegay in ciidamada maamulka ay ka qaadeen Radio Galgaduud dib loogu soo celiyo , loona ogolaado in idaacaddaasi ay  sii wadato shaqadeedii adeegga warbaahineed ay bulshada deegaankaasi ay u haysay.

Midawga Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA waxay si xushmad leh uga codsanayaan,DawladdaFederaalkaSoomaaliya, iyo beesha caalamka inay kala hadlaan maamulka Ahlusunna sidii Idaacadaas loo fasixi lahaa qalabkoodana loo siin lahaa si ay bulshada ugu adeegaan.

Ugu dambeyntii, Ururka  SOMA waxa uu xusuusinaysaa maamulka Gobolada Dhexeee Ahlusunna in mabda’a xorriyadda hadalka iyo cabiraadda ay yihiin kuwo keeni kara horumarka bulshada.